Skip to content

NUSOJ

Home » Baaq soo Gudbin Codsiyo ka Qeybgal Tababar Saxaafadeed oo Sawir Qaadidda ah

Baaq soo Gudbin Codsiyo ka Qeybgal Tababar Saxaafadeed oo Sawir Qaadidda ah

  • by

Waxaa taageeraya Safaarada Australia ee Nairobi

Sawirka wax qaaday: Fardosa Xuseen @fardee_dee

Iyadoo ay qayb ka tahay waajibaadkeena ku aadan ilaalinta xorriyatul qowlka iyo horumarinta tayada saxafiyiinta, Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ) wuxuu qabtaa hawlo iyo barnaamijyo looga gol-leeyahay horumarinta aqoonta xirfadeed ee xubnaha ururka ee ka howl gala qaybaha kala duwan ee saxaafadda.

Iyada oo lala kaashanayo isla markaana taageero laga helaayo Safaarada Australia ee Nairobi, NUSOJ waxa ay Muqdisho ku qaban doontaa aqoon kororsi saxaafada sawir qaadista oo sadex maalmood socon doonta oo ah inta u dhaxaysa 16ka ilaa 18ka May 2023.

Saxafiyiinta sawirada qaada waxay heli doonaan tababar farsamo iyagoo ka faa’ideysan doona seddex khabiir oo kala ah:

1. Sawir qaade Australian ah oo caalamka laga aqoonsan yahay oo abaal-marin lagu siiyay shaqadiisa, Adam Ferguson;

2. Filim-sameeye iyo sawirqaade British/Somali ah oo lasoo shaqeeyay Al-Jazeera, BBC, Channel 4iyo Somali TVs, Saciid Fadhaaye;

3. Iyo Wariye Soomaali/Australiyaan ah (The Age – Australia), Najma Sambul.

Tani waa baaq loogu baaqayo saxafiyiinta Soomaaliyeed ee xiisaynaya (da'dooda 35 sano ka yar tahay), kuwaas oo ku nool kana shaqeeya dhammaan gobollada Soomaaliya, inay soo gudbiyaan codsigooda ay ku doonayaan inay ka qaybgalaan tababarkan (koorsadan). Saxafiyiinta dumarka ah ayaa si gaar ah loogu dhiirigelinayaa inay soo codsadaan waxaana la siin doonaa tixgalin ku habboon. Codsadayaashu waa inay caddeeyaan xarunta warbaahinta ay la shaqeeyaan, ama meesha lagu daabaco shaqadooda haddii ay yihiin suxufiyiin madax-banaan.

Dhammaan codsadayaasha waa inay soo gudbiyaan sharraxaad iyaga ku saabsan, oo ay ku jiraan sannadaha waayo-aragnimada iyo tusaalooyinka shaqadooda, iyo sidoo kale qoraal dhiirigelin kooban oo ka hadlaya muhiimada ay leedahay inuu ama inay ka qayb-qaato/dato koorsada. Qoraalkan waa inuu ahaadaa ugu badnaan laba bog.

Codsiyada waa inay si cad loogu muujiyaa “CODSIGA KA QAYBGALKA TABABARKA SAXAAFADA SAWIR QAADIDA“, oo lagu qoro Subject-ka email, laguna soo gudbiyo codsiga emailka ah [email protected], saacada 5pm, Jimcaha 21 Abriil 2023.


Nasiib Wacan!!!